Wasiirada Puntland ee ansixiyay xeerka xaaraanimaynaya gudniinka gabdhaha miyaan loo waramin ?

August 22, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa aad loola yaabay oo la isweydiiyey sida ay ku dhacday in golaha wasiirada Punland ay ansixiyaan xeer si cad uga hor imaanaya shareecada islaamka iyaga oo og in dastuurka Puntland uu caddaynayo in shareecada islaamku ay marjic u tahay qawaaniinta dalka, xeer kasta oo ka hor imaanayana uu yahay waxba kama jiraan?.

Waxaa kale oo la isweydiiyey sida wasiiradu ay u garan waayeen diinta islaamku waxa ay ka qabto gudista gabdhaha iyaga oo muslimiin ah oo dad muslimiin ah ka dhashay oo dal muslin ah jooga oo dad muslimiin ah xukumaya!.

Waxaa dad badan amakaag ku noqotay in wasiiradu iska indhatiraan xeerka shareecada islaamka ku qotoma ee baarlamaanku horay u ansixiyey, ayna meelmariyaan xeer xaaraamaynaya wax diintu jidaysey, dadka sameeyana lugu ciqaabayo. Waxaa taa ka sii daran haddaysan mawduuca laga hadlayo aqoon u lahayn sababta ay culimada wax uga weydiin waayeen xeerka loo soo bandhigay.

Dadka qaarkood waxay yiraahdeen waxaa dhici karta kuwa xeerkaan keenay inay dalka yaraan uga qexeen oo intaas ay gaala dhexdeed ku soo le’ekaadeen, diinta islaamka ee la sheegayana magac mooyee aysan wax kale ka aqoon. In wasiiradu ka war waayaan ama ismoogaysiiyaan mawqifkii baarlamaanku horay uga istaagay wasiiradii xeerkaan u ololaynayey ayaa iyana yaab kale noqotay!.

Waxaa kaloo la sheegay inay suurtagal tahay in wasiirada qaarkood ay hunguri aawadi u taageereen ansixinta xeerkaan diinta khilaafsan iyaga oo aqoon u leh xukunka shareecada islaamka. Waxaa iyana suurtagal ah inay jiraan rag ikhyaar ah oo arrinta si xeelasaysan loo galinsiiyey oo sidaa ugu codeeyay. Hadday ogyihiin xaqiiqada waxa meesha ka socdama aan marna yeeleen.

Waxaa iyana hubaal ah in aan arrintaan golaha wasiiradu u wada codayn ee ay jiraan rag diiday oo laga cod batay, aqoona u leh axkaamta gudniinka dumarka ee diinta islaamku dajisay. Say doontaba ha ahaatee waxaa loo baahnaa in loo waramo wasiirada aan aqoon diinta islaamka, dastuurka iyo xeerarka Punland, sooyaalkeeda iyo dhaqanka bulshada; si aysan bohol ugu dhicin ama aysan bad u galin.

W/Q Siciid Maxamed

 

Leave a comment

*

Archives
August 2018
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online