Ciidanka PSF oo howlgalo ka fuliyey degaanada Madarshoon,Karin Xagarood,Mariidle, Diindigle iyo Harweyn.[Masawiro]

September 23, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Warsaxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Amniga Puntland (PSF) kuwooda sida gaar ka u tababaran ee Kumaandooska ayaa lagu sheegay in xalay iyo maanta 22-23 September,2018 ay hawlgal qorshaysan oo ka dhan Al Shabaab ka fuliyeen degaanada Madarshoon,Karin Xagarood,Mariidle, Diindigle iyo Harweyn ee Buuraha Cal Madow, oo qiyaastii 53km kaga beegan dhanka Koonfur galbeed magaalada Bosoaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ciidanka PSF ayaa warsaxaafadeedkooda ku sheegay in hawlgalkan ay ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan ururka Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxay gaarsiiyeen dhaawacyo kale duwan isla mar ahaantaana waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon iyo Oobijaale ee Buuraha Cal Madow.

Dhanka kale, ciidanka PSF waxay hawlgallo ballaaran oo amniga lagu sugayo oo ay muddooyinkan dambe ka wadaan magaalooyinka kala ah Bosaaso iyo Gaalkacyo waxaan howl galadaas ay ku soo qabteen xubno ka tirsan ururada cadowga ah ee Daacish iyo Al Shabaab.

Ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay god iyo geed walba ka daba galaan kooxaha cadowga ah ee Puntland ku soo duulay , si kooxahaas looga ciribtiro loogana sifeeyo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba.

Xafiiska warbaahinta ee
Ciidanka PSF

Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online