Ma Awlaad kalaa Nahay W/Q Sheekh Dr Cabdiraxman Sheikh Cumar

September 14, 2018 - Written by Editor

Tixdaan waxaan u mariyay in lagu xusuusto xikmaddii awoowayaasheen inoogu xifdiyeen dalkan Allah kaddib iyadoo ay kusoo duuleen xoogaggii isticmaarka ugu waaweeynaa.

1-Maskaxdeeyda maankiyo
2-Meelaha waxgarashada
3-Maalinwaliba murugaa
4-Maasheeysa marinkood
5-Markaan dib u majiirtaa
6-Maqaamkii nasoo maray
7-Magacaan lahayn iyo
8-Miisaankii dalkeennaba
9-Miraad waxaan la ooyaa
10-Maruun yaa ku maaxiya
11-Murtidii aabayaasheen
12-Madaxnimo ma rabo ee
13-Maandeeq ma aragteen
14-Magac aabbayaasheen
15-Miig iyo madaafiic
16-Mortar lagu dagaaliyo
17-Maadhiin ma heeysanin
18-Madaxdii gumeeystaha
19-Markay soo maleegeen
20-makrigii ay quruumaha
21- maxastooda lagu dhacay
21-Maryooleeyda gabigood
22-Maqaam dhaamin xoolaha
23-Intaad madax wareentaan
24-Mijahooda geddisaan
25-Macdanta iyo beeraha
26-Marjaankaan badaha milan
27-Waxa maal carrada yaal
28-Micnihiisa garaneeyn
29-Midigtiinna saartoo
30-Milkigeeda wada hela
31-Magacyadan qabiilkana
32-Mindi weeye xiirta ah
33-Meesheey mulaastaa
34-Murugo iyo ciil badan
35-Dakanooyin ma hadha ah
36-Mar haddii aan muujinno
37-Muuqooda wuu marin
38-Madaxnimo ma rabo ee
39-Maandeeq ma aragteen
40-Mise mala awaalkiyo
41-Muhashaduba waa been
42-Raggu waa musiibiyo
42-Maskax aan la maareeyn
43-Wixii muran dhexyiilliyo
44-Mahadhadii colaadiyo
45-Murugadii lasoo maray
46-Mar hadduu madhiye yimi
47-Muhashadiisu weeyntahay
48-Maryooleeyda muufiyo
49-Maraq lagu cajiimiyo
50-Ka dhigaa mushaariyo
51-maalindhalay wixii dhacay
52-Midigta aan is galinoo
53-Muruqa isa saarnoo
54-Moowjaddaan maquuninno
55-Magacii gumeeystaha
56-Malas kuu yidhaahdaba
57- Cantuufuu ku meeyraa
58-Waxa aad i moodiyo
59-Maba ihi mar quutiyo
60-Dadka aad maleeynee
61-Madaxaaga yuu goin
62-Maatadaada yeey maran
63-Maankaada toosiye
64-Meeshii aad ku nooleed
65-Moowlaheen ilaahay
66-Uu kuugu meel dayay
67-Ha ku deeqdo maraxyahoow
68-Meesha cagaha yaallaan
69-Badahaa madoow iyo
70-Inta geelu miranaa
71-Milkigeeyga weeyaan
72-Maqaar waa in lagu qoro
73-Macnahaad u joogtaa
74-Muddo loo sameeyaa
75-Maalintaad baxeeysana
76- Madaxdii gumeeystaha
77-wado ay maraan iyo
78-Meel laga xaluushaba
79- Muhashadii ka maageen
80- Midnimadii la meel mari
81- Raggu waa musiibee
82- Muhashadooda weeyntahay
83- Soomaalidaa maqan
84- Gumeeystaha madoow cunay
85- Waa in aan maciinna
86- magaca soomaaliyo idil
87- Xornimad mushaaxdaa
88- Madaxnimo ma rabo ee
89- Maandeeq ma Aragteen
90- Allow midigta soo gali
91- Inta maqan wixii hadhay
92- Annagana maslaxa iyo
93- Manhajkii ilaahay
94- ku midoobo naga yeel
95-Soomaali waa mid e
96- Maskaxdeenna garadsii
97- Mindiyaha dhexdheenana
98- Maxabbo iyo walaalnimo
99- Midnimo aan dhammaaneeyn
100- Noogu badal Macbuudoow

W/Q  : Sheekh Dr Sh Cabdiraxman Sheikh Cumar

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online