Madaxweynaha DFS ka qayb galay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (Masawiro)

September 3, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay martigelinayso magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka socota 53 dal oo Afrika ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxaa wada guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Ramaphosa, iyadoona lagu lafo-gurayo dardar-gelinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga dan-wadaagga ku dhisan ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in ka qayb-galka Soomaaliya ee Madashan uu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

“Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa sidii ay ugu qancin lahay maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay maalgashadaan ilaha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka dalka.”

Hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada ganacsatada ee qaybta ka ah Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa ka baaraan dagaya qorsheyaal lagu kobcinayo maalgashiga, fududeynta isdhaafsiga badeecadaha, xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalalka Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinaha ay saddexda sano ee soo socoto ku bixinayaan maalgashiga Afrika lacag gaareysa 60 bilyan oo Doollar.

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa lasoo gabagabeyn doonaa maalibta berri ah.

–DHAMMAAD–

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online