Madaxweynaha Dowladda Puntland Iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Boosaaso Lagu Soo Dhaweeyay.

September 22, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Sep 2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee xaarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo saaka kasoo kicitimay magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag oo uu maalmihii ugu danbaysay ku sugnaa ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey qaar kamida Goloha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland maamulka Degmada Boosaaso iyo kan Goblka Barri Saraakiisha ciidanka Gobolka ganacsato, iyo dad wayne aad u farabadan oo lulayey calanka Dolwadda Puntalnd.

Dhinaca kale madaxweynaha Dowladda Puntland intii uu ku sugnaa magaalada Badhan waxaa uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida cuqaasha, dhalinyarada, ardayda waxaana uu madaxweynuhu sidoo kale xarig kajaray jaray mashaariico horumarineed oo ay Dowladdu, halkaas ka fulisay, sidoo kalena ka dhagax dhigay mashaarico ay Dowladda iyo Shacabka oo iskaashanaya ay ka qayb qaadanayaan sida Terminalka Ariportka Badhan iyo Wasaaradda ganacisga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa,

“Guddoomiyaha, maamulka gobolka iyo wasiirada aad iyo aad baan idinkaga mahad naqaayaa idinka iyo shacbiga reer Boosaaso soo dhaweenta quruxda badneed ee maanta aad nasoo dhaweeyseen oo ahayd mid aad noo farxad galinaysay, waxaan u nimid in aan magaalada soo booqano magaaladan waa caasumadi ganacsiga Puntland, waa halbowlaha Puntland in magaalda xaaladeeda amni iyo mid maamul iyo arrimaha bulshada in aanu u kuur galno wixii isbadal ah oo ka jira iyo waxa aan ku kordhin karno oo wanaag ah, waan ognahay masuuliyiinta magaalada, gobolka iyo taliyaha qaybta in aad hawl wanaagsan ka haysaan magaalada” Ayuu yiri Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey shacab weynaha Puntland iyo ciidanka amnigaba in aan loo jixin jixin kooxaha sharwadayaasha ah ee Daacish iyo Alshabaab isla’marahaantaana waxa uu madaxweynuhu sheegay haday isku xiran yihiin shacab iyo xukuumadba in laga guulaysanayo kooxahan itaalka daran.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online