Madaxweynaha Puntland oo kulan Wada Jira Laqaatay Golaha Wasiirada iyo Isu Duwayaasha Wasaaradaha Puntland ee Gobolka Sanaag

September 20, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20 Sep 2018 kulan kulayeeshay degmada Badhan Golaha Wasiirada Dowladda Puntlnad iyo Isuduwayaasha Wasaaraddaha dowladda Puntland ee gobolka Sanaag. Kulanka ayaa waxaa iyaguna kasoo qayb galay maamulka gobolka iyo kan degmada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Isuduwayaasha Wasaaradaha Puntland ayaa ugu horayn Madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinka baaxada leh ee xafiisyadoodu ka qabtaan guud ahaan gobolka Sanaag, waxaana ay dhammantood hoosta ka xariiqeen in gobolka ay ka fuliyaan adeeg dowladeed oo rasmi, isla’markaana uu ka hirgalay nadaam dowli ahi tan iyo markii uu Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la wareegay hogaaminta dowladda Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa is xog waraysi iyo kala warqaadasho kadib ayaa waxaa uu ku booriyey dhammaan isuduwayasha Wasaaradaha Puntland inay ka shaqeeyaan horumarinta gobolka gaar ahaan degmada, wanaajinta wada shaqaynta maamulka degmada iyo gobolka si loo helo horumar wanaagsan, shaqo hufan iyo wadatashi dhan walba ah.

“Dhammantiin shaqo wanaagsan ayaa u haysaan gobolka, waxaan idinku boorinayaa inay si hufan u qabataan shaqooyinkiina dawliga ah ee masuuliyaddu idinka saaran tahay, gacan ayaan ka geysan doonaa baahiyaha jira ee gobolku u baahan yahay in laga haqab tiro’ ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha, dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxmed Cali Gaas ayaa sheegay in ay maanta shirka Golaha Wasiirada dowladda Puntland oo ka qabsoomay markii ugu horaysey degmada Badhan ay uga hadlidoonaan xaalada guud ee gobolka, ajandahana ay ku jirto baahiyaha iyo guud ahaan siyaasadda gobolka Sanaag.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online