Masuul ka tirsan Shirkadda Amal oo lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

September 17, 2018 - Written by Editor

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya  in rag hubeysan ay afaafka hore ee Xafiiska shirkadda Amal ee suuqa Bakaaraha ay ku dhaawaceen C/qaadir Al Waasac oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Amal.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in C/qaadir Al Waasac ay rasaas la dhacday labo dhalinyaro ah xilli uu ka soo baxay xarunta, waxaana loola cararay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ragga weerarkan geystay oo ahaa laba dhalinyaro ah ayaa looga shakisan yahay in ay yihiin Al-Shabaab ayaa goobta ka baxsaday, Ciidamo ka tirsan DFS ayaa goobta soo gaaray .

Kooxda Al Shabaab ayaa baad ka qaada Shirkadaha ganacsiga iyo meherada magaalada Muqdisho cidii bixin weydana wey dilaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online