Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo gaaray magaaladda Dhuusamareeb

September 18, 2018 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa gaaray Magaladda Dhuusamareeb si ay uga shaqeeyaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana hoggaaminayey Sanatar Cabdi Xassan Cawaale Qaad-diid.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa ku soo dhoweeyey Masuuliiin ka tirsan Galmudug Sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaana loo gudbiyey Gudaha Magaaladda iyadoo la filayo ina kulamo ay la qaataan Madaxda Galmudug.

Wafdigaan oo ka kooban Sagaal Xubnood ayaa waxay kala yihiin :-

1) Cabdi Xassan Cawaale (Qayb-diid)

2) Jawaahir Axmed Cilmi

3) Yuusuf Geelle Ugaas

4) Deeqo Xassan Xuseen

5) Mustaf Maxamed Qodax

6) Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan

7) Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere

8) Abuukar Axxmed Xaashi

9) Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex

Golaha Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah, taasi oo dhex marta xukuumadda Soomalaiya iyo mamaulka goboleedyada

-DHAMMAAD-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,797 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>