Golaha Walaalaynta iyo Qabyaalad diidka oo baaq nabadeed u diray beelaha ku diriraya Gobolka Sool

October 23, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaan ugu baaqaynaa isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, culimada iyo dhammaan waxgaradka beelaha Qayaad iyo Bah-ararsame inay si wadajir ah ugu istaagaan joojinta dagaalada xasuuqa iyo dabargo’a ah ee labadaas beelood ka dhex socda. Waxaan xilkaska labada beelood xusuusinaynaa in waxa socdaa ay yihiin gablan, asay, agoon, naafo iyo halaag adduun.

Aakhirana ay tahay gaalnimada ka dib dambi la galo kan ugu weyn, Ilaahayna wuxuu ugu gooddiyey ciddii mu’min ula kac u disha inuu ku abaalmarinayo naarta Jahannama oo uu ku waarayo, inuu u carooday oo uu lacnaday, cadaab xanuun badana uu u diyaariyey.

Si gaara dadka u dhashay labada beelood ee dagaalka hurinaya waxaan ugu sheegaynaa inay ka shaqaynayaan wax carada Ilaahay iyo ciqaabtiisa usoo jiidaya, ehelkoodna baabi’inaya. Haddii ay dulmigaas dayn waayaana ay masiibadu haleeli doonto diintooda, naftooda, ubadkooda iyo maalkooda.

Waxaan ugu baaqaynaa xilkaska Soomaaliyeed meel ay joogaanba gaar ahaan beelaha dhalasho ahaan iyo deegaan ahaan ugu dhow dadka dagaalamaya inay si buuxda ugu kacaan xakamaynta iyo xallinta masiibada socota oo ay u huraan naf, maal iyo miskaxba.

Waxaan codsanaynaa in Ilaahay la soo baryo inuu dhibaatadaas inaga joojiyo, dadkeenana uu diintooda ku walaaleeyo, kalgacayl iyo kalsoonina dhexdhigo.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Golaha Walaalaynta iyo Qabyaalad Diidka

Eng.Maxamed Cali Cabdi (Badwi)

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online