Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Soo Dhoweynayey 100 Arday oo Puntland Siisay Deeq Waxbarasho.

October 16, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 16 Oct 2018 caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qaybgalay munaasibad lagu soo dhoweeynayey 100 arday oo Dowladda Puntland ay siisay deeq waxbarasho, ardaydan ayaa lagu wareejiyey Jaamacadda Royal ee magaalada Garoowe oo ay waxkabaran doonaan.

Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay munaasibaddaasi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir Aw. Yuusuf ciise, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Madaxda Jaamacadda Rooyal, waalidiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay munaaasibadda soo dhoweynta ardayda oo ka dhacday Jaamacadda Royal Garoowe ayaa masuuliyiinta Jaamacaddaasi ku bogaadiyey bilowga wanaagsan ee ay ku bilaabeen Jaamacadda cusub, isla markaana Madaxweynuha ayaa ardayda kula dardaarmay inay maskaxdooda ka saaraan in aan dalka waxba lagu baran karin,

“Waxa lagayabaa ardaydu in ay u hanqal taagaan meelo kale inay waxbarasho u raadsadaan oo laysyiraahdo tayada iyo qiimaha waxbarashada dalku way ka hoosaysaa kuwa dibadda, taasina ay dad baddan shaki ka muujiyaan, waa fikir aan anaba qabijirney markaan idinka da’diina ahayn, laakiin in badan oo naga midi dalka ayaan wax ku baranay, runtii waxaanu ka waxbarasho fiicnayn kuwo badan oo aan ugu tagnay dalka dibaddiisa, dalkaaga ood wax ku barataa wax ka qiima badan ma jiraan” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Puntland isu dheelitirka ardayda fursaddani loosoo xulay oo ay gabdhuhu ku badan yihiin, Madaxweynaha ayaa xusay in Jaamacaddu soo bandhigtay waxtar wanaagsan oo anficidoona ardayda ka kooban 100-ka, dhinaca kale Madaxweynha ayaa tilmamaay in ay mudan tahay in Jaamacaduhu yeeshaan “Quality assurance” oo ah in lasoo saaro arday waxbarashadiisu fiican tahay oo beri markuu dhammaysto waxbarashada bulshada iyo naftiisaba anfaca.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardayda ku bogaadiyey inay ka faa’iidaystaan fursaddani dahabiga ah, wuxuuna faray Wasaaradda Waxbarashada inay dabagasho oo marwalba korjoogtayso waxbarashada ardaydani, isla mar’ahaantaana wuxuu Madaxweynuhu balan qaaday inay garab is taagayso guud ahaan ardayda Puntland.

-DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online