Madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada oo soo gaaray magaalada Garoowe

October 20, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goordhow soo gaaray magaalada Garoowe ka dib markii uu safar dhulka uga soo amba baxay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug,

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Madaxweynayaasha Puntland ,Jubaland,iyo Madaxweynaha K/galbeed kuwaas oo si wada jir uga qeyb gali doona shirka Golaha Iskaashiga Maamulgobaleedyada oo ka furmaya magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu intii uu safarka ku jiray inta u dhexeysa Gaalkacyo iyo Garoowe uu arkay dhul nabad ah uuna ku hakaday deegaanada qaar isaga ooo aan wadan ciidan badan.

Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa Berri ka Furmaya Caasimadda Puntland ee Garoowe waana Shirkii 4-aad oo Golaha Iskaashiga Maamulgobaleedyada.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online