Madaxweyne Farmaajo oo faray Xukuumadda in ay sii dardar geliso baahinta Adeegyada Bulshada (Masawiro)

October 18, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda looga baahanyahay in ay la fal galaan shacabka, si ay u helaan xogo dhammaystiran oo ka turjumaya baahiyaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Golaha in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay Madaxda Qaranka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyey safarkii dhawaan uu ku tagay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo baahiyaha bulsho ee ka jira deegaannadaas.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in laga hirgeliyo magaalada Marka adeegyada waxbarashada iyo garsoorka, si loo soo celiyo adeegyada asaasiga ah, loona ilaaliyo xasilloonida iyo amniga deegaanka.

“Ummadda Soomaaliyeed idinka bay idin sugaysaa, maadama aad nasiib u yeelateen in aad hoggaan u noqotaan, waxa ay inaga sugayaan in aan si daacad ah ugu adeegno, una ilaalinno canshuurta laga soo uruuriyo.”

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo xoghaynta Shirka ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira guulaha laga gaaray hiigsiyada dowladda ee tubaha horumarinta arrimaha bulshada, amniga, caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee horyaalla Xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey wada-shaqeynta kala dhaxaysa Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa yiri “Ma jirto dan shakhsiyayeed oo dhexdeena ah ee waxaan ka shaqeeynaa Danta Guud. Waxaana awoodda saarnaa mar walba in la helo xalka ugu wanaagsan. Ummadda Soomaliyeed waxay haystaan Raiisul Wasaare wanaagsan iyo Gole Xukuumadeed oo iyaguna wanaagsan.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda sida masuuliyadda leh ee ay u gudanayaan waajibaadka dastuuriga ah ee ay masuulka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku boorriyay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo waxqabadkooda.

———-DHAMMAAD——-

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online