Sh. Axmed Maxamed Saleebaan oo ka waramay xaalada colaada Koonfurta Gobolka Sool

October 26, 2018 - Written by Editor

 Laascaanood:- Sh.Axmed Maxamed Saleebaan oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya deegaan ahaan ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo caawa Halgan.net xiriir la samaysay ayaa waxaa uu sheekhu u sheegay in colaadii ka socotay deegaanka Dhumay Koonfurta Gobolka Sool ay weli sidii u taagan tahay.

Sh. Axmed Maxamed Saleebaan ayaa xusay in maalintii shalay uu shir weyn ka dhacay magaalada Laascaanood laguna magacaabay gudi ka kooban 33 ergo oo gurmad deg deg ah iyo xabad joojin u howl gala.

Sh Axmed Maxamed Saleebaan ayaa sheegay in culimada iyo cuqaasha ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool aya wadaan abaabul xooggan oo ay ugu qaylo dhaansadeen Issimada, Culimada ku sugan Soomaaliya si arintaan colaada ah ee dabad dheeraatay lagu soo afjari lahaa.

Sh Axmed Maxamed Saleebaan ayaa Halgan.net u sheegay in Cuqaal . Issimo , Culimo ay ku soo wajahan yihiin ilaa beri magaalada Laascaanood , wufuudaas ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan Buuhoodle , Garoowe, iyo magaalooyin kale.

Sh Axmed Maxamed Saleebaan ayaa ugu baaqay in Jaaliyaddaha dibada ee ka soo jeeda Gobolka Sool aysan ka qayb qaadan colaada balse ay hiil iyo hooba ku bixiyaan sidii dadkaas walaalaha ah ee muslinka ah loo kala badbaadin lahaa dhiigooda waxaa kale oo uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay qayb ka noqdaan daminta Colaada labada beelood ee walaalah ah ee dagaalku ku dhexmaray Koonfurta Gobolka Sool.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online