Faahfaahin Qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

November 9, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay 10 ka badanna wey ku dhaawacmeen saddex qarax oo is-xigxigay oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo baabuur loo adeegsaday ayaa mid ka mid ah la sheegay in lagu dhuftay albaaka saxafi, midka kale ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka iyo Xarunta Dambi Baarista ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ee CID, halka kan sadexaad uu ka dhacay wado yar oo ku taala dhabarka dambe ee Hotelka Saxafi.

Saraakiisha Amiga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in mintidiin ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerarka geysteen. Waxey sheegeen inay dileen afar ka mid ah oo hubeysnaa oo ay ciidamada dagaalameen.

Dowladdu waxey sheegtay in dhamaan dadkii hotelka Saxafi gudihiisa ku jiray la soo badbaadiyay.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in dadka dhintay badankood ay ahaayeen dad rayid ah oo isugu jiray kuwa jidka marayay, kuwo saarnaa bajaajyo, caasiyo iyo baabuur kale oo wada mareysay marka ay qaraxyadu dhacayeen iyo kuwo meesha marayay.

Hotelka Saxafi ayaa ku dhow isgoyska mashquulka badan ee KM4 waxaana uu ka soo horjeeda xarunta CID-da.

Warar ay ku baahiyeen baraha internetka ee taageera ayey Al-Shabaab ku sheegatay masuuliyadda weerarka.

VOASomalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online