Gudoomiyihii guddiga doorashada ee maamul K/ Galbeed iyo ku xigeenkiisa oo Is Casilay

November 5, 2018 - Written by Editor

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Maamulka K/Galbeed ayaa sheegaya in gudoomiyihii guddiga doorashada ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Carfo Ibraahin Aadan iyo ku xigeenkiisa ay is casileen.

Is-casilaaddan ayaa waxaa u xaqiijiey Halgan.net ilowareed muhiima oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay is casilaada ayaa waxay ku soo beeganatay  ka dib markii shalay ay guddigu doorashada K/galbeed ay bilaabeen bixinta shahaadooyinka musharrixiinta .

Gudiga doorashada Maamulka K/galbeed ayaa waxay gudoonsiiyeen shahaadada Musharaxnimo ee K/galbeed Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, oo asna isla maanta iska casilay  wasiirka tamarta iyo biyaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay iska casileen xubinimada guddiga doorashada Koofurgalbeed illaa  13 xubin oo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisii ay ku jiraan.

Xubnahan is casilay ayaa ku waxaan la sheegayaa in iscasilaadooda ay salka ku heyso  arrrimo la xiriira farogelinta ay DFS ku heyso arimaha doorashada  lagu hayo  Koofurgalbeed.

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online