Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Lacaweeyey Bulshada Ku Dhaqan Degmada Qardho.[Masawiro]

November 27, 2018 - Written by Editor

Qardho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo taariikhdu tahay 26 November 2018 waxaa uu Dagmeda Qardho bulshada ku dhaqan kula caweeyey mid kamida meelaha ay bulshadu ku caweyso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey kulankan qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, maamulka Degmada Qardho iyo kan Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan laqaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Qardho sida dhalinyarada, ururada bulshada, waxayna isweeydaarsadeen fariimo katurjumaya sidii la iskaga kaashan lahaa horumarka Gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa socod dheer oo lug ah ku dhex maray laamiga dheer ee mara magaalada Qardho, iyadoona taasi ay muujinayso amniga iyo hurumarka ay ku tilaabsatay Puntland iyo Gobolka karkaarba.

Sidoo kale dhalinyarta Degmada Qardho ayaa madaxweynaha uga warbixisay baahiyaha gaarka ah ay qabaan, islamarkaana ay dhalintu soo bandhigtay sida ay ugu faraxsan yihiin kulankan ay laqaateen madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhalinta Degmada Qardho kula dar daarmay in ay muhiimadda siiyaan waxabarashada iyo sidii ay horumarka uga shaqayn lahaayeen, isla’markaana waxaa uu madaxweynuhu dhalinta ku dhiirigeliyey in ay mustaqabalka gobolka iyo tan degmadaba ay kaalin lixaad leh ka qaataan.

–DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online