Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Magaalada Garoowe Dib ugu Soo Laabtay.

November 24, 2018 - Written by Editor

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Nvember 2018 ayaa waxaa uu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasumadda Dowladda Puntland kadib safar shaqo oo uu ku tagay Magaalada Garacad ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey Guddoomiaye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland, Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam ku-xigeenkiisa 2aad Xuseen Xaaji Diiriye, qaar kamid ah golayaasha Dowladda Puntland, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland, qaarkamida goloyaasha dowladda Putland, Saraakiisha ciidanka, iyo qaar kamida saraakiisha madaxtooyada Dowladda Puntland.

Booqashada Madaxweynaha ee Garacad ayaa la xadhiidhtay sidii uu u daahfuri lahaa mashaariic hormarineed oo lagu dhisayo qorshaha isku tashiga shacabka iyo Dowladda Puntland ee ay hormuudka u tahay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyadoona uu Madaxweynahu maalintii shalay ahayd ka daah furey dhismaha Dekedda magaalada Garacad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Gen. Maxamed Abshir Airpot ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Waxaan maanta ka nimid magaalada Garacad oo aan kaga soo qayb galnay bilowgii dhismaha Dekedda Garacad waa lasocotaan hada ka hor waxaan u tagna dhagax dhiggii shalayna waxaan u tagna ani iyo wafti aan hogaaminayey oo ka koobnaa Shacabka, Golaha wakiilada, Golaha Wasiiradda iyo saraakiil kale waxaa kaloo kasoo qayb galay daah furka dhismaha Dekadda madax kasocotey Dowladda Federaalka oo ka koobnaa Golaha shacabka iyo Sanataro, runtii waxaa halkaas ka dhacay bilow guul aad u wanaagsan oo ah bilowgii shaqada dekadda waa wax aad loogu afarxo hadey riyo ahayd waa ay rumowday” Ayuu yiri Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbeyntii Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in shacabka Puntland uu u hirgalay wanaagii iyo faa’iidadii uu lahaa isku tashigu isla’markaana Dekadda Garacd ay noqonayso mid ay ka faa’iidaystaan ummada Soomaaliyeed iyo tan geeska africaba.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAN

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online