Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Gondar ee dalka Itoobiya (Masawiro)

November 9, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray dalkan Itoobiya oo ay ka furmi doonaan wadahadallada dhammaystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Gondar ugu soo dhaweeyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Dowladda Itoobiya kuwaas oo uu hor kacayey Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Mudane Abiy Axmed.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah.

“Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.”

Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashu ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah.

Masuuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhiggooda Itoobiya iyo Ereteriya la wadaagi doona aragtida iyo qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalalka Gobolka, xoojinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga, daris-wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida amni iyo midda siyaasadeed ee Gobolka.

——–DHAMMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online