Madaxweynaha JFS oo La Kulmay Dhiggiisa Wadanka Talyaaniga.

November 22, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintiii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo kula yeeshay Qasriga Quirinale Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool. Madaxweyneyaasha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga. Kulanka oo ay hadallo ka jeediyeen xubno ka mid ah Jaaliyadda ayay uga hadleen sida ay ugu han weyn yihiin dadaallada horu socodka ah ee ay haatan ku tallaabsanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay Jaaliyadda ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin isbeddelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ee ku dhisan iskaashi, isdhexgal dhaqaale, is-ixtiraam iyo wax wada qabsi.

Madaxweynaha ayaa, sidoo kale, Jaaliyadda uga xog warramay Barnaamijka Isxilqaan ee sida mutadacnimada ah dib loogu dhisayo dhismayaashii danta guud, wuxuuna ku boorriyay inay gacan ka geystaan tageerada barnaamijkan lagu soo nooleynayo astaamihii Qaranka Soomaaliyeed.

Gebogabadii kulanka, Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, ayna kala shaqeyaan dowladda hirgelinta dadaallada ay waddo ee dib loogu soo celinayo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

——-DHAMMAAD——–

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online