Madaxweynaha Puntland Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Dhahar (Masawiro)

November 28, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo oo taariikhi aha kusoo gaadhay gelinkii hore ee maanta 28 November 2018, magaalada Dhahar ee gobolka Haylaan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaala madaxda gobolka Haylaan ee degmada Dhahar, waxaa kusoo dhoweeyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan, maamuulka gobolka Haylaan, kan degmada Dhahar, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, ururada bulshada rayid ka ah, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin aqoonyahano, bahda wax barashada degmada iyo dhammaan shacabka magaalada Dhahar.

Safarka madaxweynaha ee uu ku gaaray Gobolka Haylaan ayaa daaran ukuur gelid uu kusoo eegayo iyo xaalada gobolka Haylaan iyo baahiyaha shacabkeena, iyo sidii kale mashaariic horumarineed oo ka socda gobolka, kuwaas oo ku socda qorshaha isku tashiga shacabka iyo Dowladda Puntland ee ay hormuudka ka tahay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Haylaan soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, waxaana kamid ahaa hadaladiisa”

“Aad baan uga mahadnaqayaa soo dhoweynta quruxda badan, runtii waxaan oran karaa soo dhoweyn waa ka weyn tahay, Waxaan ka xumahay oo runtii dareemayaa inaan idiinka soo daahay, laakiin waxaan rajeynayaa inay tani furre u tahay shanta sano ee soo socota, waan idiin nimid, waxaan u imid inaan idiin soo booqano, Inaanu ogaano xaalada dhabta ah ee gobolka ka jirta, waxaanu idiin keenay dhowr mashruuc, mashaariicdaasi waxay ka koobnaayeen mashruuc ay fulinayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhismaha guryaha dadka loogu talagalay barakacayaasha, gaar ahaan dadkii kusoo barakacay abaarihii iyo Barnaamijkan Mashruuca Caafimaadka,

waxaan u baahannahay in isbedel gobolka laga suubiyo dhan walba, gobolku wuxuu difaac iyo xayndaab u yahay Puntland, dhabtii waa difaacii Puntland, waxaan isku waraysan doonaa Haylaan oo horumartay dhanwalba, waxaan u baahanyayhay taageeradiina, ducaddiina iyo garab istaagiinna si isbedel u suubsamo aadna horseed ka noqotaan isbedelkaas” ayuu yidhi Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Degmada dhahar ka daah furay mashruuc daryeelka caafimaadka Aasaasiga ee Gobolada Haylaan iyo Sanaag oo ah mashruuc ay kafaaidaysanayaan boqolaal dadweyne ah isla’markaana madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada dhahar ka dhagax dhigii doona mashaariico horumarineed oo uu kamid yahay laami dheer ee isku xiri doona Sheerbi iyo Xiingalool.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online