Shariif Xasan Sh Aden oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

November 7, 2018 - Written by Editor

Baydhabo:-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay.

Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan oo VOA laso gaarsiiyey ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed”

Muddada 10-ka maalmood ah ee ka harsan xilka Shariifka, ayaa waxaa xilka madaxweyne sii hayn doona guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Sida uu qoraalkiisa ku sheegay Shariif Xasan, guddoomiyaha baarlamanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka wada shaqeyn doona qabashada doorashada.

Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee dhalisay isbeddel siyaasadeedka deg degga ah ee Shariifka uu ku dhawaaqay.
Go’aankiisa ayaa yimid laba maalin un kadib markii ay is-casileen 12 ka mid ah xubnaha guddiga doorashada, taasi oo jahwareer siyaasadeed ka abuurtay Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online