Shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland oo looga hadlay arimo kala duwan

November 22, 2018 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta waxaa uu shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Maamulka J/land kaas oo looga hadlay arimo kala duwan.

Kulanka ayaa waxaa markii uu furmay looga hadlay arimaha amniga deegaanada J/land waxaana tacsi loogu diray eheladii uu ka dhintay alaha u naxariistee Nabadoon Dhaqane Qaasim Aamin oo lagu dilay Degmada Beledxaawo waxaana madaxweynu faahfaahin ka dhageystay Hay’adaha amaanka qaabka loo dilay nabadoonka .

Waxaa kale oo uu golaha Wasiirada Maamulka J/land uu warbixin ka dhageystay  Wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo bandhigtay shirar kala duwan oo caalimiga ah oo lagu qabtay magaalada Kismaayo iyo kulamo kala duwan ay la yeesheen beesha Caalamka.

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay  Wasaarada Caafimaadka Maamulka J/land waxayna faahfaahin ka bixisay faafida xanuunka qaaxada ee ka dilaacay deegaano ka mid maamulka J/land.

Wasaarada howlaha guud ee Maamulka J/land ayaa gabgabadii shirka golaha wasiirada ee Maamulka J/land waxaa ay ka warbixisay  hanaanka dhul bixinta iyo sharciyaynta dhulalka .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online