War murtiyeed laga soo saaray kulankii Madaxweyne JFS iyo Yoweri Museveni (Masawiro)

November 24, 2018 - Written by Editor

Kampala:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa maanta ku kulmay qasriga Madaxtooyada Entebbe. Kulanka labada Madaxweyne ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban illaa sideed qodob, waxaana ka mid ahaa:-

1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdu balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Uganda,waxaana si weyn Madaxtooyada Uganda ee Entebbe ugu soo dhoweeyay dhiggiisa Yoweri Kaguta Museveni.

2.Soo dhoweyn diiran ka dib,labada madaxweyne waxay wadahadal rasmi ah ku qaateen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka.

3.Madaxweynayaasha waxay xuseen in ay ku qanacsan yihiin saaxiibtinimada joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaasoo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan,waxayna arrimaha kale ee diirada ay saareen labada madaxweyne ka mid ah arrimaha iskaashiga gaar ahaan qeybaha NabadA iyo Amniga, Waxbarashada, Ganacsiga, iyo Maalgashiga.

4.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warbixin kooban siiyay Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni. Wuxuu xusay in xaaladda nabad galyo ee Soomaaliya ay si weyn u soo hagaagtay,islamarkaana la wiiqay awoodii Alshabab ee Koonfurta.

5.Wuxuu ammaanay iskaashiga ku-meel-gaarka ah ee Difaaca iyo taageerada ay AMISOM ku kordhisay geeddi-socodka ku-meelgaarka ah. Waxa uu sheegay in horumarka wanaagsan laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eritariga, iyada oo loo marayo saxiixidda Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday wadashaqayntu iney fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda wadan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la siinayo goob istaraatiijiga ah.

6.Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee hubinta nabadda, xasiloonida iyo barwaaqada gobolka.

7.Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ujeediyay mahad celin ballaaran martiqaad sharafeedka uu u sameeyay iyo mira dhalka wada xaajoodka ay yeesheen, wuxuuna ku boorriyay Wafdiga Soomaalida inay ku raaxeystaan quruxda Uganda ka hor intaanay tegin.

8.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa dhankiisa muujiyay mahad celin iyo qadarinta uu u hayo madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni,Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aadan soo dhoweynta diiran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

—–Dhamaaad—–

Leave a comment

*

Archives
November 2018
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online