Golaha wasiirrada DFS oo ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga.

December 30, 2018 - Written by Editor

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo maanta yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay sannadka 2018, ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka.

Kulanka golaha oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaarha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray isla xisaabtanka iyo qiimaaynta waxyabahii sannadka dhammaadka ah u qabsoomay afarta tubood ee ay ku salaysantahay shaqo maalmeedka dowladda Soomaaliya.

“Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre..

Barnaamijka xukuumadda ee horraantii 2017 ay ansixiyeen golaha shacabka ayaa loo qaybiyay afar tubood oo kala ah siyaasadda loo dhanyahay, arrimaha bulshada, horumarinta dhaqalaha iyo amniga iyo cadaalladda kuwaas oo yeesha shirar joogta ah oo ku salaysan isla xisaabtan ku dhisan hufnaan iyo daah-furnaan.

—–Dhamaaad——

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online