Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Si weyn loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Garoowe (Masawiro)

December 27, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 December 2018 waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo safar ugu maqnaa Dalka Kenya ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey Marwada Madaxweynaha Drs. Hodon Siciid Ciise iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Guddoomiye ku xigeenda 1aad iyo 2aad ee Golaha wakiilada Dowladda Puntland, qaar kamida goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Degmada Garoowe iyo kan Goblka Nugaal, Saraakiisha ciidanka Gobolka ganacsato, iyo dad wayne aad u farabadan oo qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay qaybta VIP ee Gen. Maxamed Abshir Airport ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Waxaan Safar shaqo oo mudo 5 bari ah ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya, gudoonka baarlamaanka iyo maamulka gobolka, kan dagmada iyo shacabka garoowe aad bay ugu mahadsanyihiin soo dhowyenta balaadhan ay noo sameeyeen, waan ku faraxsanahay inaan ku soo laabto dalkii oo nabad ah, insha allah hawshu hasocoto waxaan gaari doonaa 8 Janury guul iyo xasilooni iyo dalka oo doorsho xaalaal ah ka dhacdo insha alah wan guulaysanynaa” ayuu yiri Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa banaanka garoonka diyaaraha ee Gen. Maxamed Abshir salaan kula dhexmaray boqolaal shacabka caasimada Puntland ee Garoowe oo u soo baxay soo dhaweynata Madaxweynaha Dowladda Puntland.

=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online