Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2019-ka (Masawiro)

December 27, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay furitaanka kulankan caadiga ah ayaa ka hadlay Arimaha Amniga iyo dib u xoraynta deegaanada Jubbaland kuwaas oo wali ay Al-Shabaab, waxaana Madaxweynahu uu sharaxay diyaar garoowga iyo howlaha isku xirka howlgalka lagu xoraynayo Degmooyinka iyo deegaanada wali aan gacanta ku jirin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in hanaanka dib u xoraynta Jubbaland gaar ahaan deeganada Gobolka Jubada Dhexe ay miiska saaran yihiin isla markana sidoo kale la isku furayo Magaalooyinka xorta ah isku dubaridka howlahana ay yihiin kuwo u baahan Midnimo iyo gacmaha oo la is qabsado.

Dhinaca kale Golahu waxay Ansixiyeen miisaaniyada sanadka 2019ka taas oo dhan 24,233,844.52 Labaatan iyo afar Milyan labo boqol sodon iyo sadex kun sideed boqol afartan iyo afar iyo konton iyo labo santi miisaaniyadan ayaa waxaa ay ka kala imanaysaa dhamaan ilaha dakhliga kala duwan iyadoo ay golahu si rasmi ah u meel mariyeen dhawaana la horgayn doono Golaha shacabka si ay u Ansixiyaan.

Waxaa kale oo ay golahu meel mariyeen xeerka ilaalinta deegaanka iyo bay’ada kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland lana doonayo in lagaga hortago xaalufka deegaanka iyo ilaalinta hanaanka isticmaalka waxyaabaha dhulka kor saaran sida in la yareeyo qodista buuraha iyo samaynta xirmooyinka dhulka xiliyada ay barwaaqadu jirto.

Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada ayaa iyana waxaa ay warbixin ka soo bandhigtay shir ka dhacay Nairobi oo lagaga hadlayay ka faa’iidaysiga khayraadka badaha taas oo muhiim u ah Jubbaland iyo in Wasaarada ay si rasmi ah ula socoto wax walba oo laga samaynayo badaha Jubbaland sida kaluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka kala duwan.

—Dhamaad—

Leave a comment

*

Archives
December 2018
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online