Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Laamaha Hay’addaha UN-ka ee Puntland.

January 16, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta 16 January 2019 xafiiskiisa ku qaabilay laamaha Hay’addaha UN-ka qaybtooda ka hawlgala Puntland, kuwaas oo kala ah UNSOM, UNICEF, UNDP, UNHABITAT, UNOCHA, UNDSS, FAO iyo WFP.

Kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Puntland la qaatay saraakiishaasi ka socdey laamaha UN-ka Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana uu ka warbiyey arrimaha muhiim ka ah ee lagaga hadlay kulanka.

“Maanta Madaxweynuhu wuxuu la kulmay Hay’addaha UN-ka qaybaha Puntland ka degan, ulajeedada uu Madaxweynuhu ula kulmayna waxa ay ahayd inuu xogogaal u ahaado shaqooyinka ay Puntland ka hayaan, waxa uu ka xog waraystay waxqabadkoodii hore iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin in ay fuliyaan mudooyinka soosocda Insha Alla” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa tilmaamay in kulanka ay qayb ka ahayd in Madaxweynuhu ku dhiiri geliyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Puntland ka wadaan, isla’ markaana u balanqaado in shaqadu u socondoonto sidii logu talagalay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online