Madaxweynaha Puntland oo Garoonka Diyaaradaha Maxamed Abshir Garoowe Ku soo Dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug.[Masawiro]

January 25, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta gelinkii danbe 25 January 2019 diyaaradaha Maxamed Abshir Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo.

Soo dhoweynata Weftiga Madaxweynaha Galmudug iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddoonka Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, siyaasiyiin, nabadoono, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa weftiga Madaxweynaha Galmudug uga mahadnaqay soo ajiibiddooda ka qayb galka xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland iyo Galmudug isaga dhawyihiin Soomaaliya inteedada kale, isla markaana ay ka dhexeeyaan arrimo masiiriya oo ah mid derisnimo, mid wada dhalasho iyo ganacsi, isl markaana waxa uu tusmeeyey Madaxweynihu in weftiga galmudug ay yihiin maamulka keliya ee Puntland kasoo galay Dhil iyo cirba.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay natiijadii kasoo baxday doorashadii Puntland inay nagalasoo qayb galaan Madaxweynaha Galmudug iyo weftigiisuba, waanna uga mahadcelinaynaa runtii wakhtiga dheer iyo dedaalka ay ku bixiyeen inay usoo safraan, Galmudug waa ay nooga duwan tahay mamaulada kale, laba maamul oo isu dhaw baannahay, maxaa yeelay deris dhawbaannahay, waxbadan baa naga dhexeeya, waa maamulka keliya ee dhulka iyo cirkaba Puntland kasoo galay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xusay in doorashadii Puntland ahayd mid taariikhiya oo baaldahaba ka gashay tariikhdeeda, waxaana uu sheegay inuu ku qalbi san yahay kasoo qayb galka caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online