Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kusoo dhaweeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

January 25, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25 Jan 2019 wuxuu kusoo dhaweeyey magaalada Garoowe, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hofaaminayo oo lagu casumay Xafladda Caleema-Saarka Madaxda cusub ee dawladda Puntland.

Soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Guddoonka Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Geleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, siyaasiyiin, nabadoono iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey Madaxweynihii hore kasoo qeybgalay Caleema Saarka Madaxda dawladda, waxaana uu sheegay in ay shacabka iyo dawladda Puntland u tahay guul wanaagsan.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta Madaxweynaha iyo dawladdiisa, wuxuu sheegay in uu kufaraxsan yahay imaanshihiisa Puntland, isla’markaana bogaadiyey doorashadii Taariikhiga ahayd ee ka qabsoontay Puntland, taas oo Caalamka oo dhan tustay dawladnimada iyo biseylka siyaasadeed ee Puntland.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soonaaliya ayaa ka qeybgalaya Caleema-Saarka Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo K-xigeenkiisa oo habeen dambe ku qabsoomaysa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo masuuliyiinta Goleyaasha dowladda Puntland ayaa soo dhoweeyey wufuud ka socda dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online