Golaha Wakiillada Puntland oo Cod Aqlabiyad leh Ku Ansixiyey Golaha Wasiirada Cusub.(Masawiro)

February 16, 2019 - Written by Editor

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyadleh ku ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabay, isla’markaana ansixiyey qorshe siyaasadeedka 5 sano ee soo socota ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Kalfadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad ayaa xasaanadda lagu siiyey Golaha Wasiirada cusub, waxaa xasaanadda siiyey 63 xildhibaan, waxaana maqanaa 3 mudane, sidaasi ayay xasaanadda ku heleen xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa mahad-celiyey Xubnaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland oo xasaanadda siiyey Golaha Wasiirada cusub, waxaana uu ku amaanay sida sharafta badan ee ay uga aqbaleen codsigii ku aadanaa ansixinta Xukuumadda.

“Waxaan marka ugu horeysa u mahad celinayaa golaha wakiilada ee sida sharafta leh u ansixiyey barnaamijkii siyaasadeed iyo golihii xukuumada ee dhawaan aan soo dhisnay, waxaan sidoo kale u hambalayaynayaa golaha wasiirada ee cusub sida sharafta leh ee ay u soo bandhigeen taariikhdoodii muga-wayneed ee baraysay dadka reer Puntland qaybihiisa kala duwan”.

“Waxaana u rajeynayaa golahan hawsha loo igmaday in ay kasoo baxaan Allena u fududeeyo, maanta waa maalin taariikhi u ah Dowladda Puntland 8 Janaayo waxaa ka dhacay doorasho lagu doortay madaxda maanta talada haysa mudadaas doorashada dhacday ilaa hadda waxa ay ku guda jireen xukuumad qaadatay wakhtigii ugu badnaa ee Puntland xukuumad lagu soo dhiso, latashi fara badan ee aan la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka iyo dhamaan cid kasta ee mudan in lala tashto”ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu danbeyntii Madaxweynihii Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in uu dalku ku tilaabasan doono horumar dhaqaale, mid amni, hadafkeeda ugu weyna uu yahay soo celinta dhulka maqan, xasilinta dhulka khatarta ku jira ee ay ugu horeeyaan labada buurood ee Calmadow iyo Cal-miskaat.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa faray shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan Goleyaasha kala duwan ee Dowladda, sidaas oo kalena mudanayaasha baarlamaanka ee laga soo doortay deegaanada xaaladdaha ammaan kajiraan ayuu kacodsaday in ay Xukuumadda kutaageeraan wax kaqabashada deegaanadaas.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online