Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo Booqday Xerada 54aad ee ciidanka Daraawiishta (Masawiro)

February 24, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee Xerada 54-aad oo uu tababar uga socdo boqolaal ka tirsan ciidamada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa salaan Sharaf ka qaatay Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Xerada 54-aad oo ah goobtii lagu aas-aasay Dowladda Puntland Sanaddii 1998, waxaana uu Madaxweynuhu booqday salaan sharaf kadib qaybaha uu ka kooban yahay Talisku iyo goobta lagu tababarayo ciidamada dhibowga ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, (Karaash) ayaa ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Saraakiisha Taliska Ciidan Difaaca Puntland, munaasibadda ayaa lagu soo bandhigey suugaan ka turjumaysa muhiimadda ay lee yihiin ciidanka difaaca Dowladda Puntland.

Madxaweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa xusay in dowladdu ahmiyad gaara siindoonto dhismaha ciidanka”

“Waxaa maanta farxad-weyn noo ah ani iyo Madaxweynahaba inaan kasoo qayb-galno munaasabaddan aan ku soo booqanay ciidanka difaaca Puntland, aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta la kulmo saraakiisha ciidanka difaaca iyo dhammaan ciidanka kale oo ah ciidankii lagu aas-aasay Dowladda Puntland, waxaan ahmiyad gaara siindoonaa dhismaha ciidanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa kula dardaarmay ciidanka difaaca Dowladda Puntland in ay ka shaqeeyaan difaaca iyo midnimada ummada Soomaaliyeed, isla’markaana waxaa uu ku bogaadiyey dhabar adayga, difaacidda jiritaankooda iyo dowladdoodaba

“Waxaa aad ugu faraxsanahay inaan idinku soo booqano taliskii dhexe ee ciidamada oo ah taliskii aas-aaska u ahaa ciidamada Puntland, isla’markaana lagu aas-aasay Puntland, runtii waa goob taariikhi ah waa goob ka qayb-qaadatay in aysan Puntland burburin, dadkeedu is haystaan, ciidankeedu uusan marna kala tegin, waxaa farxad weyn ii ahayd in aan maanta soo kor meernay qalabkii 1991 uga dhacday Dowladdii Soomaaliya oo xataa matooradii weli xerada yaalaan oo ay shaqaynayaan”

“waxay muujinaysaa dunta dadka reer Puntland, say Dowladnimada u doonayaan, waxaa naga go’an in aan qaadno wadadii dadkii naga horreeyey oo aan ahmiyaddeena 1-aad siino ciidanka, waxaan hortiina ka balan qaadaynaa Inshaa Allaah in aan tayeyn doono ciidamada, waxaan rabaa in aad boorka ka jaftaan kaalintii hore ee aad lahaydeen inaad noqotaan dad danaha Puntland ilaaliya oo dib u yagleela ciidan tayaysan oo wax walba kaafin kara”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland iyo dhammaan hogaamada ciidamada Difaaca Puntalnd, waxaa looga hadlay kulanka, tayeynta iyo xoojinta ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland oo ah kuwa mar walba u taagan jiritaanka iyo Difaaca Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online