Madaxweyne DFS oo ka qayb -gelaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika

February 9, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika.

——DHAMMAAD——

Leave a comment

*

Archives
February 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online