Madaxweynaha Farmaajo oo kormeeray Dugsiga Tababarka Militariga ee Kabamba.[Masawiro]

March 12, 2019 - Written by Editor

KAMPALA:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kormeeray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga Kabamba ee dalka Uganda.

Saraakiishan uu tababarku uga socdo Xerada Kabamba oo ku taalla bartamaha Uganda ayaa tiradoodu ku dhawdahay 100, waxaana la filayaa in ay bartamaha sanadkan dib ugu soo laabtaan dalka si ay uga qayb qaataan dhismaha iyo tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dhiirrigelin u sameeyay saraakiishan ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso sidii saraakiishan iyo kuwa lamidka ah ee tababarrada ku maqan ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Argagixisada ah.

Dhankooda, saraakiishan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay inuu arko tababarka ay qaadanayaan, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Kampala, waxaana maalinta berri ah uu khudbadda xiritaanka ka jeedinayaa shir diiradda lagu saarayo arrimaha nabadgalyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha Qaaradda Afrika.



A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online