Madaxweynaha Puntland iyo Weftigiisa oo Si Balaaran Loogu Soo Dhoweeyey Degmada Qardho.

March 27, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhoweyntooda ka qayb qaatay Maamulka gobolka Karkaar, maamulka degmada Qardho, shacab aad u tirabadan oo u diyaarsanaa soo dhoweynta Madaxweynaha Puntland, ardayda magaalada Qardho, isimo, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Shacabka degmada Qardho oo aan u kala hadhin Soo dhoweynta weftiga Madaxweynaha Puntland ayaa marlabaad madal labaad ku soo dhoweeyey weftiga, halkaasi oo uu Madaxweynaha Puntland khudbad taariikhiya ka jeediyey barxadda magaalada Qarsho, waxaana uu mahadbalaadhan u celiyey shacabka iyo masuuliyiinta dowladda oo soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta markii ugu horaysey imaado Qardho, Allena inoo fududeeyo balantii aan wada-galnay taasi oo ahayd ‘Alle waxaan ka rajaynayaa anoo Madaxweyne ah inaan idiin soo noqdo’ Eebbe waan uga mahadcelinaynaa guushaasi, waxa aan u rabneyna waxay ahayd oo aan u balanay inaan nabadgelyada ka wada-shaqayno, xasiloonida inaan ka wada-shaqayno iyo horumarka”.

“Waxaan rajaynayaa reer Qardho iyo reer Puntland oo dhan inay u diyaar garoobaan sidii ay u dhisan lahaayeen dalkooda, isku tashadaan, horumarkiisa ka shaqeeyaan, cadawga ka xun wadajirkoodana ay u midoobaan dadka reer Puntland” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay inay iska dayaan wax kasta oo ka hor imaanaya horumarkooda, una hogaansanaadaan xogta daqiiiqada ah ee lagu horumarinayo dalka, Madaxweynaha ayaa shacabka Puntland u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho hal qof iyo hal cod ah.

“Warar badan baa la sheegayaa wax sugan ma aha ee hadda wixii ka danbeeya warka dowladda uun dhegaysta, ololihii doorashada waa dhammaaday sidaas xaqiiqsada, sidaasi darteed hooska tuurka aan micnaha badnayn wakhtiga yuu inaga qaadin, inaan hore u soconaan u baahanahay, waxaad kaloo u diyaar garawdaan doorasho xor ah oo xalaal ah oo qof walba uu ka qaybgelaayo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

=DHAMMAAD =

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online