Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso Kulan Kula Qaatay Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya.

March 31, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo.

Kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Puntland la qaatay safiirka maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31 Maarso 2019 booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda”.

“kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online