Madaxweynaha Puntland oo Qardho Dhagax Dhig, xerada ciidanka Xorgoble ee Qardho i(Masawiro)

March 27, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka sameeyey dhagax dhig, xadhig Jar iyo kormeer magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-Kaar

Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn xadhigga ka jaray aargo ay si isku-tashi ah u hirgeliyeen ururka horumarinta degmada Qardho, ururka ayaa waxa ku midaysan dhallinyaro joogta dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba, waxaana ay tani qayb ka tahay horumarinta, bilicda iyo hindisaha dhallinyarada degmada Qardho.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Xadhigga ka jaray qaybta Saalada qaliinta (Qaybta Qallinka) oo lagu soo kordhiyey cisbitaalka weyn ee magaalada Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu kormeeray qaybaha kale ee uu ka kooban yahay cisbitaalku. Munaasibadda kooban oo loosameeyey xarig jarka qaybtani cusub ayaa waxaa shahaado lagu guddoonsiiyey shirkadda Tanaad oo si mutadawacnimo ah u dhistay qaybtani.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa xarunta gobolka Karkaar ka dhagax dhigay dhiska lagu balaadhinayo Xerada Xorgoble ee ciidanka daraawiishta Puntland, taasi oo lagu soo kordhindoono dhismeyaal dhaxalgal ah oo ay mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ku faa’iididoonaan ciidamada Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay waddo maamo oo 2KM ah ka dhagax dhigay degmada Qardho, taasi isku xidhidoonta xabsiga weyn, xerada Xorgoble iyo magaalada.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online