Madaxweynaha Puntland oo Soo Xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda.

March 14, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland oo sadexdii maalmood ee ugu dambeysey ka socdey xarunta Wasaardda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Magaalada Garoowe.

Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda.

Madaxweyne Deni oo soo xiray shirka ayaa ka jeediyey khudbad taariikhi ah, waxa uu Madaxweynuhu Mahad ballaadhan u jeediyey masuul walba oo ka qayb qaatay hirgelinta shirka.

“Dhammaantiin waa mahadsantihiin qof walba oo ka qayb galay barnaamijkii quruxda badnaa ee sadexdii maalmood ee ugu dambeysey socdey oo ay ugu muhiimsaneed in la joogteeyo hawlihii halkaan ka socdey, qof walibana ka qayb qaato runtii, waxay noo tahay guul in maalmihii aan ugu tala galnay ay ku dhammaadaan,

“Waxaan Alle ka sokow guulihii aan gaarnay uga mahadnaqaynaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo maalmaha aan halkan joogney ammaanka si habsami leh u sugayey, wan ku faraxsannahay runtii shirkaan agaasinkiisii, socod siintiisii iyo natiijadii ka dhalatay intaba ay ahaayeen kuwo ay taariikhdu xusi doonto” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland ayaa dhankiisa bogaadiyey qaabka wanaagsan ee uu usoo dhammaaday shirku, waxaana uu xoojiyey qorshaha Madaxweynaha Puntland ku hirgeliyey yoolaalkii uu ku galay doorashada, taasi oo bud-dhig u ah dhammaystirka Jihaynta siyaasadda Xukuumadda Cusub ee dawladda Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweyanaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah oo marti galisey shirkan iyo hay’adda Sidra oo shirka qayb muhiim ah ka qaadatay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online