Madaxweyne Deni oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Xarumaha Dowladda ee Magaalada Garoowe.

March 3, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe, waxaana ku wehelinaayey kormeerkiisa saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Xarumaha uu kormeerka shaqo ku tegey Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wasaaraddaha, Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland, xarunta Gobolka Nugaal, Xarunta Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland iyo Xarunta hay’adda wadooyinka Puntland (PHA).

Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe, Madaxweynuhu wuxuu Kula kulmay xarumahaasi masuuliyiinta wasaaraddaha, iyo dhammaan hawl-wadeenadooda, wuxuu Madaxweynuhu dhegaystay warbixino kala duwan oo ay siiyeen shaqaalaha iyo Madaxda xarumaha uu booqday”.

“Madaxweynuhu waxaa uu Kula dardaarmay dhammaan hawl-wadeenada dowladda, Isla markaasina uu kala hadlay qaabka shaqada ay u soconayso, iyadoo runtii ay maanta u ahayd, guud ahaan xarumaha dowladda, gaar ahaan kuwa uu booqday maalin ay soo bandhigayeen maxsuul ka shaqadooda iyo weliba mustaqbalka waxyaabaha ay hiigsanayaan” Ayuu yiri Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
March 2019
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online