Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Gudigga Xuduudaha iyo Federaalka oo shir wadatashi ah qabtay

April 18, 2019 - Written by Editor

Waxaa magaalada Muqdisho ku qabsoomay shirka wadatashiga ee lagu turxaan bixinayo is waafajinta xulushada qaabeynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, waxaana shirka si wadajir ah u qabtay Wasaaradda Arrimaha Dasturka iyo Gudigga
Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Qaranka.

Shirka oo uu furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gudigga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, masuuliyiin ka kala socotay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha
iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha.

Ugu horeeyn Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed oo shirka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda sida dhow ay u wadashaqeeyaan isagoo sheegay in shirkan uu muhiim u yahay qaranka.

Muqdisho:-Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa sheegay inay ka go’antahay la shaqeeynta hay’adaha dowladda ee ay shaqada ka dhaxeeyso.

“Waxaa farxad ii ah anigoo dhawaan la wareegay shaqada Wasaaradda inaan maanta ka soo qaybgalo kulan howleedkan, waxaa naga go’an ka miro-dhalinta dib-u-eegista Dastuurka taasina waxay ku imaaneysaa inaan wadashaqeyn wanaagsan la yeelano dhamaan Gudiyada iyo
hay’adaha dowladda” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, waxaa shirkan inta uu socdo looga doodi doonaa is waafajinta xulushada qaabaynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka.

 

[]

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online