Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Bulshada Degmada Boosaaso.[Masawiro]

April 6, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay bulshada ayaa ka qabsoomay hoolka jaamacadda Bariga Africa, isagoona Madaxweynuhu u jeediyey khudbad taariikhiya oo koobsatay dharaarihii iyo dedaalka lagu asaasay Puntland, amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo wadajirka shacabka iyo dowladda.

“Waxaan rabaa inaan si guud uga warbixiyo xaaladda uu dalku marayo, waxaa Alle mahaddiis ah in sandkii 21-aad ay ku jirto Puntland, mudadii la’aas aasay kadib dalkeenu waxaa uu soomaray taariikh aad u dheer, Maamulkii ugu horeeyey Puntland waxa uu ahaa Alle ha’unaxariistee Maxamed Abshir maamulkaas waxaa uu isku bedelay maamulkii SSDF”.

“Intaas kadib siyaasiyiintii iyo bulshadii waxay garteen in ay dhistaan Dowlad, dowladdaas oo ah dowladda aan maanta harsanayno oo laba qodob saldhigeedu ahaa in midnimadii Soomaaliya la ilaaliyo iyo dalka nidaam Federaal ah oo kaliya lagu dhisi karo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si mug weyn ugu dheeraaday isbedelkii shacabka Puntland ay u riyaaqeen ee ka dhacay Puntalnd 08 Janaayo 2019”

“Xukuumaddan 08 Janaayo 2019 doorashooyinkii ka dhacay Garoowe oo isbadalka maamul uu ku yimid, waxaa runti mudadaas aad si dhow ula socoteen isbedel ay dadku daneenayeen, waxaan rajaynaynaa in aan ka dhabayno isbedelka ay doonayeen shacabka “Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntand Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aad uga hadlay amaanka magaalada Boosaaso, waxaana uu xusay in ay ka go’antahay sidii loo soo celinlahaa maqaamkii iyo amaankii xarunta ganacsiga Puntland oo ah meel halbowle u ah Soomaaliya, gaar ahaan dadka reer Puntland.

[]


=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online