Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka.[Masawiro]

April 16, 2019 - Written by Editor

Dubai:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/laahi Deni ayaa la kulmay jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta.

Munaasabaddan ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, qunsulka Soomaliya u fadhiya Imaaraadka, Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka, Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka.

Madaxweyne Deni oo munaasabadda Khudbad taariikhiga ah ka jeediyey ayaa si weyn uga warbixiyey guulaha safarkii Imaaraadka Carabta ee isaga iyo weftigiisa.

“Waxaan rabnaa in dalkeena la maal gashto waxyaabaha anaga nalaga rabo oo ay ugu horayso inaan amniga hagaajino, sidoo kale waxaan rajeynaynaa in ay Puntland hesho qawaaniin cad cad oo ilaalinaya cida maal gashanaysa iyo inaan mar-waliba xaq dhowrno dadka na-maalgashanaya xuquuqda ay dalka soo galinayaan, anaga oo taa ka duulayna safarkii ugu horeeyey oo aan dibada ugu soo baxnaa dalka Imaaraadka ayuu noqday dabcan dalka Imaaraadka waa meesha saldhiga u ahaan jirtay dad Soomaaliyeed ee dhinaca ganacsiga khaasatan Puntland wax ku leeyihiin taariikh dheer oo soo jireen ah oo mudo dheer xiriirka ganacsi uu ahaa mid aad u weyn.”

“Waxaa mudadii aan joognay Dalka Imaaraadka aan kawada hadalnay sidii loo ilaalin lahaa xiriirka qotada dheer, mudada dheer soo jirey in isbedelka yimaada uu saameyn ku yeelan shucuubta labada dal ganacsigooda iyo isku xirnaantooda, waxay si cad noogu balan qaadeen in ay aad u dhowrayaan ayna horumarinayaan, waxyaabaha ugu waaweyn aan kala hadalnay waxaa kamid ahaa in xoolihii Soomaaliya oo mudo xayirnaa in dib loo furo runtii waynaga ogolaadeen” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne Deni ayaa faah-faahin ka bixiyey kulanka uu la qaatay shirkadda DP-World, taasi oo dhisme iyo dib u dayactir ku samaynaysa dekedda xarunta Ganacsiga Puntland ee Boosaao

“Sidaad og-tihiin, Puntland waxay heshiis la gashay DP-World si loo hurumariyo Dekedda Boosaaso, runtii kulan aad u fiican ayaanu la yeelanay Madaxda shirkadda DP-World, wuxuuna ku soo dhammaaday guul iyo is af-garad, waxaanu ku heshiinay in sanad gudihii wixii caqabad ah meesha laga saaro iyo wixii hore u dhacay oo u dambeeyeen dilkii maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda DP-World oo runtii ahayd nabar aad u xanuun badan oo dilkiisu khatar galiyey maalgashiga Puntland, Wax kasta oo amniga dekeda lagu sugayana aan masuuliyadeeda qaadno.”

“Waxaanu rajaynaynaa heshiis labada dhinacba u cuntama oo isku dheeli tirma oo danaha Puntland iyo horumarkeeda ilaaliya uu sidaas ku dhaqan galo, haddi turxaan jirtana aanu xalino, wixii wanaaga ah ee heshiisku qorayana in ficil loo bedelo oo uusan hadal noqon waxaan rajaynayaa inuu isbedel dhaco” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegey in ay dib u bilaabmayso dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, taasi oo uu xusay inay halbowle u ahayd horumarka dalka oo dhan.

=DHAMMAAD=

[]

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online