Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Dalka Masar oo ka wada hadlay xaaladda Gobolka[Masawiro]

April 23, 2019 - Written by Editor

Cairo:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka.

Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag.
Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi waxa uu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Afrika.


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online