Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka qayb-galay Xafladda Qalinjebinta Ardayda Jaamacadda PSU.

April 3, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalinjebinayeen 202 arday oo bartay kuliyado kala duwan, isla markaana ka qalinjabiyay Jaamacadda PSU faraceeda Garoowe.

Munaasabadda qalinajebinta waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse, masuuliyiin ka socdey Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maamulka Jaamacadda PSU, Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan oo munaasabadda soo xiray ayaa ugu horayn hambalyo u diray maamulka Jaamacadda iyo ardayda qalinjabinaysa oo ah dufcaddii 12-aad ee Jaamacadda ka baxda, waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galkeeda.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa ardayda ku dhiirigeliyey inay waddankooda aaminaan, ka shaqaystaan, dadkooda ugu faa’iideeyaan aqoonta ay barteen, shacabka reer Puntland ayuu ugu baaqay inay xoogga saaraan aqoonta qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan midda sare, waxaana uu caddeeyay in dawladda Puntland ay ka go’an tahay sidii guud ahaan waxbarashada loo horumarin lahaa.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino guddoonsiiyey qaar kamida ardaydii qalin-jebisey iyo shakhsiyaad kale oo maamulka Jaamacaddu u gartay inay mudanyihiin, waxaana munaasabaddu ay ku soo idlaatay jawi farxadeed oo laga dheehanayay dadweynihii boqolaalka ahaa ee goobta joogay, kuwaas oo u hambalyaynayay ardayda qalinjabisay.



DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online