Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatay laamaha Amniga, Garsoorka Iyo Cadaaladda Puntland.[Masawiro]

April 13, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay laamaha Cadaaladda, Garsoorka iyo Amniga Puntland.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Caddaalada iyo Haweenka iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, kulanku intii uu socday si qoto dheer ayaa looga wadahadlay arrimaha cadaaladda iyo sidii kor loogu qaadi-lahaa.

Sidoo kale kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa dhinacyadii ka qayb-galay oo isugu jiray Booliska, CID-da, Maxkamadaha, iyo Asluubta ka xog-warameen kiisaskii ugu danbeeyey ee ka dhacay Puntland, gaar ahaan arrimaha kufsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Madaxweynaha oo ka soo qayb-galayaasha shirkan isugu yeeray waxa uu ku saabsanaa sidii kiisaska hadda taagan oo kufsigu kow ka yahay loo dedejin lahaa, ciddii danbiga gashayna Cadaaladda loo marin lahaa, dadkii dhibaatada loogaystayna loo daawayn lahaa”. ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa laamaha kala duwan ee shirka kasoo qayb-galay ku booriyay inay wada shaqayn xooggan yeeshaan, si arrimaha Cadaaladda kor loogu qaado, loona suuriyo ficilada foosha xun-xun ee soo laalaabtay.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online