Madaxweynaha Jubaland oo shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada.

May 16, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa golaha faah faahin dheeraad ah ka siiyay shirkii Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka ee Garowe iyo guud ahaan xaalada Siyaasada dalka.

Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay dood dheer ka yeesheen xaaladaha amniga iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo go’aamo la xiriira sugida amniga laga soo saaray gaar ahaan in aan hub lala gali karin garoonka diyaaradaha lagalana soo dagi karin iyadoo golahu uu hay’adaha amaanka ku amray in la adkeeyo amniga garoomada diyaaradaha.

Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay sharciga Doorashooyinka qaranka iyo heshiiskii qaybsiga khayraadka oo wax ka badal lagu sameeyay kadib shirkii Baydhabo iyo dib u eegista Dastuurka.

Dhinaca kale Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa faah faahin ka bixisay safar shaqo oo Wasiirka wasaaradu uu ku maqnaa iyo waxyaabahii ka qabsoomay.

Wasaarada Waxbarashada ayaa faah faahin ka bixisay dib u dhaca ku yimid imtaxaanka qaran iyo sidii looga shaqayn lahaa in uuna hakan mar kale iyadoo dhawaan gudi arintan ka shaqeeya loo saarayo.

——- DHAMAAAAD.————

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online