Madaxweynaha Puntland oo Ka tacsiyeeyey Geerida Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe).

May 11, 2019 - Written by Editor

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaan uga tacsiyaynayaa qoysaskii, eheladii iyo qaraabadii geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe), waxaan Alle “SWC” u waydiinaynaa Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, samir iyo imaanna ka siiyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan”

“Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo nabadda jecel, waxa uu door muhiima ku lahaa xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanada Soomaliland, Isla markaana waxa uu kasoo qayb-qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariisto, Alle Janadiisa Fardawsa haku abaalmariyo, su’aasha qabriga Alle ha u sakhiro, samir iyo imaanna Alle ha inaga siiyo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND..

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online