Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo oo loogu soo dhaweeyey Garoowe.[Masawiro]

May 4, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb gelaya Shirka Wadatashiga Qaran ayaa caawa soo gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Madaxweyne K/xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan iyo bogaadin ugu istaagay boqollaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada Garoowe, kuwaas oo lulayey Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna dhawaaqayey ereyo ay ku muujinayeen jacaylka ay u qabaan Dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, si loo helo wadashaqayn iyo iskaashi buuxa oo waxtar u leh Dowladnimada iyo horumarka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shirar wadatashi iyo is xog-waraysi ah oo ku aaddan horumarinta iyo xasilinta dalka la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha ee soo gaaray magaalada Garoowe waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow), Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirisaaq Jaamac Cilmi (Black)
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online