Golaha Wasiirada KGS oo ansixiyey Maxkamada sare ee ciidanka KGS

June 13, 2019 - Written by Editor

Baydhabo:-Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Ansixiyay Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sidda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Maxkamadan ayaa ka madax banaan Mida Dowlada Federalka isla markana waxay yeelaneysaa awood fulin Ee xukunka kama dambeysta ah ee awood sharciyadeed.

Maxkamada sare ee CQS ee DGKGS waxay Xarunteeda si ku meel gaar ah u noqoneysa Magalada Baydhabo, Maxkamadda ayaa awood xuduud dhuleedkeeda yahay Deegaanada Dowlad Goboleedka KGS,


Maxkamaddu waxay awood u leedahay in ay qaado dembiyada ay galaan CQS ee ka howlgala dhulka Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo loogu tala galay in lagu qaado Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida sida uu qorayo Qodobka 1aad ee XCCQS.


Xeerkan Qodobo badan ayaa ku qoran iyo Danbiyada Qofka gala iyo Ciqaabta uu Mudan yahay iyo Qaab dhismeedka Maxkamadan isago dhameystirana Waa idinla wadaagi dona Insha Allah.

Xeerkan Baarlamanka ayuu Mari doona ka dib Madaxweynaha ayaa Dikreeto ku soo saari doono.

A /cawaale
Halgan.net

Comments are closed.