Madaxweynaha Puntland oo Furay Kal-fadhiga 44-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

June 15, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay Kalfadhiga 44-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Munaasibadda furitaanka waxaa Madaxweyanaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare ee BDFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxda Dhaqanka, wakiillada ururada bulshada rayidka ah, wakiilladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyadda Dawladda Itoobiya ee Puntland, bahda Saxaafadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 44-aad ee Baarlamaanka Puntland, waxa uu jeediyey khubad taariikhiya. Ka akhriso lifaaqa hoose khudbadda Madaxweynaha.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,797 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>