Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Guddoomiyii Maxkamadda Sare ee Puntland.[Masawiro]

June 28, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ka qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur.

Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur ayaa waxaa Madaxweynaha Kala qayb Galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DFS, Xeer Ilaaliyaha DFS, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland,
Maxweynihii hore ee Puntland, Ahna Sanator ka Tirsan Aqalka Sare ee BDFS, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ka mid ahaa hormuudka Golaha Garsoorka Soomaaliyeed, kuna suntan aas-aaskii Golaha Garsoorka dowladda Puntland ee Soomaaliya.

“Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Dr. Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa mid ka mid ah tiirarka Dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ahaana Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa bahda Garsoorka, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

[]

Hoos ka Daawo Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Guddoomiyii Maxkamadda Sare ee Puntland

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online